Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta

Afrika waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²) tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.3 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.
Qarnigii 19aad ayaa wadamada reer Yurub go'aan ku gaadhay gumeysashada Afrika. Dawladda kaliya ee xor ahaa waqtiga halgankaas waa dawladda Diiriye Guure ee abaanduulkii guud ka ahaa Ismaaciil Mire. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...

- ... in Cabitaan fudud (Sawirka) oo sidoo kale loo yaqaano cabitaan qaboow uu yahay cabitaan lagu daray Kaarboonayt?
- ... in cabitaanka fudud lagu daro waxyaabo ay ka mid yihiin macaaneeye, sonkor iyo walxo kale oo dhadhan iyo midab u sameeya?
- ... in inta badan cabitaannada fudud lagu daro sonkor iyo dheecaanka midhaha?
- ... in cabitaannada fudud ay yihiin cabitaanno aad looga isticmaalo dalal badan oo dunida ah?
- ... in cabitaanka fudud uu yeelan karo dhadhanno kala duwan oo ay sameeyaan walxaha lagu daro?
- ... in cabitaannada fudud ee aan khamriga lahayn loo diyaariyo si ay u noqdaan cabitaanno qabow oo dadku cabbaan?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh

Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya (21 Oktoobar 1969 - 26 Jannayo 1991); kaligii-teliye ciidanka xooga sanadihii 1969kii ilaa 1991dii. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbaharey, bishiii Oktoobar 6 ee 1919kii; wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 ee sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir. Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya. Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka. Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan. Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ka dib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanaka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. Bishii Janaayo 26keedii ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay. Madaxweyne Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nayjeeriya bishii Oktoobar 26keedii sanadkii 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan

Dadka Soomaaliyeed (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.
Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:
- Talyaani Oo haystay Koofurta Soomaaliya
- Ingriiska Oo haystay Wuqooyiga Soomaaliya (Somalilan)
- Faransiiska Oo haystay Xeebta Soomaaliya (Jabuuti)
- Itoobiya + Ingiriiska Oo haystay Soomaali Galbeed (Ogaadeenya)
- Kenya + Ingiriiska Oo Haystay NFD
- Loona yaqaan Soomaaliweyn
Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo luqad Ay wadaagaan. Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn . Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyah. Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan. maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Wikipedia waxaa qora mutadawiciin waxaana martigeliya Wikimedia Foundation oo sidoo kale maamusha mashaariic kale:
-
Commons
Kaydka warbaahinta xorta ah -
MediaWiki
Horumarinta software-ka wiki -
Meta-Wiki
Isuduwidda mashaariicda -
Wikibooks
Buugaagta waxbarashada xorta ah -
Wikidata
Kaydka aqoonta xorta ah -
Wikifunctions
Tusmada hawlgallada -
Wikiquote
Ururinta oraahyada -
Wikisource
Maktabadda nuxurka xorta ah -
Wikispecies
Tusaha noocyada noolaha -
Wikiversity
Agabka waxbarashada xorta ah -
Wikivoyage
Hagaha safarka xorta ah -
Wiktionary
Qaamuus iyo ereyo isku macne ah
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo







