U bood nuxurka

Bogga Hore

Ka Wikipedia
Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah e qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 10,595 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka
Link=Wikipedia:Maqaallo Xul Ah Maqaal Xul ah
Madaxweyne
Madaxweyne

Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya (21 Oktoobar 1969 - 26 Jannayo 1991); kaligii-teliye ciidanka xooga sanadihii 1969kii ilaa 1991dii. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbaharey, bishiii Oktoobar 6 ee 1919kii; wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 ee sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir. Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya. Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka. Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan. Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.

Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh.

Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ka dib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanaka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. Bishii Janaayo 26keedii ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay. Madaxweyne Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nayjeeriya bishii Oktoobar 26keedii sanadkii 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo. (SII AQRI)

Link= Waa maxaay Wikipedia ?
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english

Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.

Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...

Link=Wikipedia:Hooyga Maqaal abuur

Link= Sawirka Maanta

Image


Link= Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah

Link= Xusuusta Wikipedia
Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan

Link= Maahmaahyo
waxaa la yiri aqoon la'aan waa iftiin la'aan

maahmaayada oo dhameystiran

Qeybaha maqaalada Wikipediaha
Image
Cilmiga aanan sayniska ahayn

Cilminafsi · Taariikh · Luqadaha · Cilmiga bulshada 

Image
Siyaasad iyo bulsho

Ganacsi · Waxbarasho · Joornaalo · Gaadiidka · Beeraha · Dagaalada · Caafimaadka · Dowladaha

Image
Diin

Diimaha · Mutolojiyada

Image
Hiddo iyo dhaqan

Gabayada · Filimaanta · Muusig

Image
Saynis

Bayoloji · Fiisigis · Kimisteri · Juquraafi · Xisaab · Cilmidayax . Xiddigis

Image
Teknooloji

Elektaroonig · Internet · Kumbuyuutarada

Image
Ciyaaraha iyo madadaalada

Teleefishinka · Ciyaaraha

Image
Kuwa kale

Kalandar · Shaqsiyadaad · Waqti

Mashruucyo qaraabo la'ah Wikipedia
Wikipedia waxaa maamula urrur aanan faa'ido raadinnin oo ah Urrurka-Wikimedia, kaasoo maamula mashruucyokale oo xor ah kuna saleeysan luqado kala gedisan:
Image WikiQaamuus
Qaamuus
Image Wikikirjasto
Buugaag bilaash ah
Image Wikisitaatit
Sitaattikokoelmia
Image Wikiaineisto
Vapaiden tekstien arkisto
Image Wikispecies
Lajien luettelo
Image Wikinews
Warrarka
Image Commons
Feylasha guud
Image Meta-Wiki
Hagida guud ee mashruucyada Wikimedia

Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.